Adeega Qaxootiga ee Norton Children’s

Norton Children’s waxaa ka go’an siinta xanaano ee dadka deegaan weynaha Greater Louisville ku cusub. Qaxootiga imaanaya U.S., ee u qalma helida baaritaan caafimaad, waxaan bixinaa xanaano dhameystiran oo u qaas ah qorshaha qiimeynta caafimaadka qaxootiga ee caruurta oo laga heli karo Norton Children’s Kooxda Caafimaadka – NuLu.

Ku saabsan  Norton Children’s Kooxda Caafimaadka – NuLu

Norton Children’s Kooxda Caafimaadka – NuLu waa xafiiska dhaqtarka ku taqasusay xanuunada caruurta waxa uuna soo dhaweynaya dhamaan caruurta, ayadoo xooga la saarayo bulshada qaaska, oo ay ka mid yihiin:

Sheybaarkena waxa uu u qalabeysan yahay in uu kasoo baxo baahiyaha kala duwan ee xanuunada caruurta, waxaan bixinaa adeegyada sida maareynta kalkaalinta xanaanada aadka u adag, taagerada caafimaadka maskaxda, Barnaamijka Shaqaalaha Caafimaadka, shaqaalaha bulshada iyo adeegyada caafimaadka maskaxda. Dhaqtarka ilkaha ee caruurta ayaad heli kartaa ayadoo la isticmaalayo wadashaqeynta inaga dhaxeyso Jaamacada Louisville Dugsigaha Cilmiga Ilkaha..

Qiimeynta Caafimaadka Qaxootiga (RHA) – Refugee Health Assessment (RHA)

Caruurta qaxootiga imaanaya United States waxa ay heli karaan baaritaan caafimaad oo dhameystiran, waxaana loo yaqaan qiimeynta caafimaadka ee Norton Children’s Kooxda Caafimaadka – NuLu, ayadoo lala shaqeynayo hayadaha qaxootiga ee deegaanka sida Kentucky Refugee Ministries, Catholic Charities ee Louisville iyo International Rescue Committee. (Qiimeynta lacagteeda ayaa laga qaadaya ceymiska – The assessment is billed to insurance), wax lacag ah oo looga qaadayo qoysaska balantan ma jirto. Gaari raaca waxaa bixin doono hayada, waxaa sidoo kale lagu siin doona adeeg turjumaan. Qiimeynta waxaa kamida:

  1. Qiimeynta guud ee caafimaadka, waxaa kamida aragtida, maqalka, iyo baaritaanka ilkaha.
  2. Garashada iyo daweynta baahiyaha caafimaad ee ugu soo horeyo.
  3. Baaritaanka iyo daweynta xanuunada lakala qaado
  4. Tallaalka si waafaqasan habraacyada Xarunta Ka Hortaga iyo Maareynta Cudurada (CDC).
  5. Cilmiga daweynta iyo maareynta
  6. Tobabarka horudhaca qaabka xanaanada caafimaadka: U.S.
  7. Maareynta xanaanada ilkaha iyo daba-galka

Inkasto qiimeynta caafimaadka qaxootiga lagala shaqeyo hayadaha deegaanka, soo galootiga nuuca kale ee U.S. ayaa sidoo kale lagu soo dhaweynaya qabsashada balan baaritaanka ugu horeyo ee ilmaha. Waxaad hubsata in aad keento waxii diwaan ah, ceymis iyo kaarka tallaalka balantaada kowaad. 

Daba-galka Xanaanada

Waxaan ku dhiiro galineyna qoysaska qaxootiga ee sameyay qiimeynta caafimaadka in ay daba galaan in ay la qabsadaan tallaalada, qiimeynta kobaca iyo daba galka qiimeyn ee caafimaadka maskaxda. Daba galka baaritaan ee sanadlaha ayaa lagula tallinaya dhamaan caruurta. Waxaad xor u tahay in aad qabsato balantaada caafimaadka iyo ilkaha isla maalintaa sida kuu fudud adiga. 

Tallaalka cusub ee COVID-19 ayaa loo baahan yahay si aad u hesho habraaca green card (kaarka degenaasha). Haddii aad doorato in in aada QAADAN tallaalkan cusub ama adkeyahan (haddii sabab jirto), waxaa lagaaga baahan yahay in aad sameyso Foomka I-601, Codsiga ka Dhaafida Sababaha aan La-Aqbali Karin, waana in aad u gudbiso qareenkaaga. 

Adeegyada Qaliinka Shacabka

Caruurta qaxootiga (u qalmo adeegyada qaliinka shacabka – eligible for civil surgeon services) waxa ay heli karaan caawinaad, oo ay kamid tahay sameynta Foomka I-698. Waxaad la timaada sharcigaaga ID saxda sawirka leh ay dowladu bixiso balanta si loogu saxiixo dukumiintiga Foomka I-698. Haddii uu ilmuhu jiro 14 sanno ama kaweyn yahay, waa qasab in ay jogaan si ay u saxiixaan foomkooda waana in ay leeyihiin dukumiinti aqoonsi u gaar ah. Waxaad heli doonta foomamka oo saxiixan ayagoo ku jiro bashqad xiran oo lala soo dirayo dukumiintiyadaada. Waxaad la tashataa hayadaada ku haboon iyo/ama kooxda sharciga.

Qabsashada Balanta

Si aad balan uuga qabsato Norton Children’s Kooxda Caafimaadka – NuLu, wac (502) 588-8900, Qeybta 1. Kooxda ayaa u diyaar ah in ay kaa caawiso su’aallaha caafimaadka iyo qorshahaaga soo booqasho.

Agabka Luuqadaha Badan

Waxii agab iyo warbixin ku saabsan caafimaadka U.S. ee luuqadaha aan ahayn English, booqo bogga website ee hayadaha hoose. Waxaan iskugu aruurinay liiska agabka qaranka iyo deegaanka si loogu taagero qoyskaaga xanaanada caafimaad uu u baahan yahay ee United States.